1 2 3 4

DARDAARAN - Madaxtinimada dumarka

səhifə4/4
tarix22.01.2018
ölçüsü279.01 Kb.

DARDAARAN

Waxaan dardaarankan aan qoraalkayga ku soo gaban gabaynayo usoo jeedinayaa laba kooxood, si gaar ah. Labadaas kooxood waxa ay kala yihiin: waa kuwa koowaade Dumarka qudhooda, tan labaadna kuwa ka samayn doona qoraalkayga hadalada been abuurka iyo ka bad badinta ah.


Ogsoonaada dumarow, in masawirka jidhkiina oo qaawan lagu dhegsado alaabadii la doonayo in la beec geeyo si loogu helo suuq, macneheedu aysan ahayn in aad xornimo gaadheen, laakiin waa in aad dulli iyo gumaysi hor leh gasheen. Nimanka idin ku yiraahda waad xorowdeen ee kaalaya xumaanta nala qasta oo nala wareega xeebaha idinka oo qaawan ama nagu maaweeliya tiyaatarada idinka oo qaawan, ujeedada ay leeyihiin oo keliya ihi waa in ay dantooda idinka gaaraan. Haddii la isugu qasmo sida xoolaha waxaa ku khasaaraya dumarka, waayo iyada ayuu raad culusi ku hadhayaa marka la wada kulmo, oo dhibka oo dhami keligeed buu ku ekaan doonaa.
Midda kale si kaste oo dumar loo fasaxo, ma heli karto ninka ay rabto in uu isagu soo dalbo mooyee, laakiin ninku mid kaste oo uu u baahdo ayuu gacanta qabsanayaa, illeen isagu waa kan laga sugayo bilowga sheekadee. Sidaa darteed, dumarow, inkastoo ay ragga iyo haweenkaba haybad u tahay habsamaanta guurku, haddana idinku run ahaantii waad uga sii baahi badan tihiin ragga nidaamka qoys dhisidda iyo waalidnimada.

Waxaan qiyaasayaa in ay dumar fara badani u qaadan doonaan in ay diinta Islaamku u fasaxayso waxyaalaha saqajaanimada ah ee ay dadka oo dhanba ka wada xaaraantimaysay, iyaga oo qoraalkaan qalad ka fahmaya. Tusaale; anigu haddaba dumarow idinma aanan odhan sigaar cabba, Jiinis daba gaab ah ku labista, derbiyada wareega, ragga iska qab qabsada iyo cawradiinu meel kaste ha u taallo badeeco ahaan. Kuwaas oo dhami idinka keliya ma ahane ragga qudhooda waa ka xaaransan yihiin. Waxa aan qoraalkaan ku soo bandhigay wax ku saabsan xuquuqda ay dumarku u leeyihiin in ay helaan sharaf la mid ah midda ay raggu helaan, in ay dhab ahaan u gartaan dawgooda iyo dawrkooda sidsa looga baahan yahay raguba in ay u gartaan mas'uuliyadda rasmiga ah ee uu Eebbe weyne saaray ee la xiriirta qoyskooda, qoladooda iyo qarankooda intaba. Waxaad kale oo ku arkaysaan qoraalkaan qaacidooyin Fiqhi ah sida Ijtihaadka, qiyaaska iwm. oo aan ugu tala galay in ay faham waasac ah siiyaan qofkii isla akhriyey silsiladda dhawrka buug ee ka hadlaya Xuquuqda Dumarka ayna ka midka yihiin; " Maragfurka Dumarka oo loo eegayo Shariicada", "Magdhawga Dumarka oo loo eegayo Shariicada", "Mas'uuliyadda Dumarka oo loo eegayo Shariicada" iyo "Madaxtinimada Dumarka oo loo eegayo Shariicada" oo ah kan haatan ina hor yaalla.


Haddaan mawduuca ku sii fogaadana, waxaa ka mid ah waxyaalaha aan ka dardaarmayo mid ka mid ah kuwii igu kallifay in aan silsiladaan Buugaagta ah soo saaro. Taas oo ah: " Aniga oo socdaal ku maraya badda "Pacific", ayaan maqlay in ay ciidamada dawladda Xabashidu soo weerareen gobolkii aan ka imid ee Gedo, ayna ku laayeen rag iyo dumar fara badan. Markaa ayaan sawirtay sida aadka u fudud ee ay ciidamada Tigre ee Ethiopia daqiiqado gaaban ugu layn karaan ciidamada al-Itaxaad ee ku dagaallamayey gobolka maamulkiisa. Taasi waxa ay tahay in ay ciidamada Tigre/Xabashi oo sida caadiga ah u badan gabdho, ay u dagaallamaan si aan ka yaraysan sida ay u dagaallamaan ragga Soomaaliyeed ee halyeyga ihi.

Dhanka kalese waxaan ogaa in wiil walba oo ka mid ah ciidamada al-Itaxaadku uu qabay laba ilaa afar xaas, ayna shaqadiisa ugu weyni ahaanayso inuu iyaga waardiyeeyo, isaga oo oranaya waxa aan u noqonayaa Muxram, waayo dumarkaas oo tin iyo cirib u daboolan si xad dhaaf ah –(ghuluwi)/extreme, iyagu waxna ma qabsadaan ee waa loo qabtaa. Hadaba marka ay dhacdatan oo kale dhacdo waxa ugu weyn ee la qabtaa waa sidii iyaga loo dhawri lahaa oo loo kala qixin lahaa. Taas oo laga yaabo in midba dhinac gooni ah loo qixiyo illeen waxa laga hortagayaa in ay kala masayraan haday isku meel kuwada noolaadaane. Sidaa darteed ciidamadii Xabashida ee gabdhaha u badnaa waxa ay si sahlan u gumaadi karaan raggaas iyo xaasaskoodaba. Todobaad ka dib ayaan helay warbixinta sidii ay wax u dheceen, mise waa tabtii aan qiyaasay (waan ka xumahay). Waxaana la rabay in ay xaasaskooda ka hor geeyaan kuwa filkooda/qeyrkooda ah ee soo weerary.


Haddaba waxa aan ku dardaarmayaa in ay ragga Soomaaliyeed gartaan in ay awood waxtar lihi ku aasan tahay dumarkooda. Waxa ay kaga faa'iidaysan karaan xag maskaxeed, muruq, maal iyo dhinacayada kale ee iyaga hadda la yaqaanno, sida ay dumarkuba kaga faa'iidaysan karaan ragga intaba. Eebe waxa uu yiri; "Mu'miniinta rag iyo Dumar qaarba qaarka kale ayuu u yahay sokeeye. Waxay is faraan wanaaga, xumahana way iska reebaan"82.

Waxaa hubaal ah in ay haweeneydu qaban karto wax kaste oo uu ninku qaban karo (haba iska jiraan waxyaalo aysan isku si u fulin karine), waayo isku si ayey u dhashaan, isku si ayeyna wax u cunaan. Sidaa darteed ma haboona in uu mid midka kale ku noqdo dulsaar ee waxaa haboon in isku biirsadaan waxqabadkooda dhan walba leh. Weliba waxaa jira dad ku doodaya in ay haweenku markaste ka waxqabad badan yihiin, kana hawlgalsan yihiin ragga. Waxa ay leeyihiin; shaqo kaste oo loo diro way fuliyaan lab iyo dhedigba, laakiin waxa ay dhedigu dheeraystaan labka dhawr shaqo oo aad lagama maarmaan u ah ayna ka mid yihiin; " Haweeneydu way uuraysataa, laakiin ninku ma awoodo, haweeneydu waa dhashaa laakiin ninku ma awoodo, haweeneydu ilmo ayey nuujisaa oo si wacan u korisaa ninkuse ma awoodo".


Warka koobnidiisu waxa uu yahay in ragga iyo dumarku ay si isla eg hawlaha intooda badan u wada qaban karaan. Balse ay jirto in ay jiraan hawlo ay kaga wanaagsan yihiin raggu dumarka, sida ay u jiraanba hawlo ay dumarku kaga wanaagsan yihiin ragga. Sidaa darteed waxa uu ku hagaagi karaa habsami u socodka noloshu in ay labada nooc ee rag iyo dumar is kaalmaystaan oo ay qolo walbaa ka soo baxdo kaalinteeda. Taas ayaa haddaba ah macnaha dhabta ah ee ay in badan ku soo cel celiyeen aayadaha Quraanka ee aan horay u soo xusnay, tusaale ahaan marka uu Alle leeyahy:

"Qaarkiin baa Qaarka kale ka ahaaday", oo lala akhriyo aayadda kale ee ah:

“Qaarkood ba qaar ayey u wali (aad isugu xiran yihiin) u yihiin. Waxay faraan waxa wanaagsan (ee ay diinta Islamku fartay, ee Alle ka raalli yahay) waxayna reebaan waxa xun” (ee ka soo horjeeda awaamirta ay diinta Islaamku farayso). Waxaan heli karnaa macnaha isku duubka ah ee laga wada helayo labada aayadood ee ah in ay rag iyo dumarba wada shaqaystaan oo aan midkoodna laga reebin hawl uu qaban lahaa ha ahaato hawl maskax laga qaban lahaa ma mid adin laga qaban lahaa.

ILAAH BAA UGU MUDAN CID LA TALA SAARTO, ISAGA AYAANA NAGA AQOON OG WAXA AY DANTEENNU KU JIRTO. HADDABA AAN ISAGA UUN TALO SAARANO OO KU KALSOONAANO.

Waxa Qoray: Qaasim Hersi Farah


(Ina Duullaanjecel)

Ph.D. Qaanuunka Bii’ada (Environmental law)

TUSMO


1. Hordhac 2

2. Cutubka Koowaad:

Ma loo dooran karaa Dumarka in ay cid xukumaan?

2.1 . Madaxtinimada Dumarka 8

2.2. Miyey Qaalliyad noqon kartaa? 12


    1. Imaam Noqoshada Salaadda ee Dumarka

    2. Daliisha kuwa diidan in ay Dumarku taliyaan iyo jawaabta la siiyey 16

2.4. Dawrkay Dumarku ku yeesheen

Jihaadka Islaamka 36

2.5. Maxaa keenay kala saarka

iyo jinsi takoorka? 40

2.6. Heerka ay Dumarkii Asxaabtu

ka cayaareen siyaasaddii jirtay 44

Cutubka Labaad:

Dumarka iyo wilaayadda

3.1. Xorriyadda guur xulashada 48

3.2. Xujjada ay haystaan kuwa

aaminsan in dumarka lagu qasbo guurka 54

3.3. Dawrkii ay Dumarku

ka soo cayaareen siyaasadda Islaamka 31

3.4. Afarta Mad-hab iyo waxa ka qabaan Ijbaarka 51

3.5. Furrinka 62

3.6. Malaga daba hadli

karaa Culimadii hore 67

3.7. Culimadii hore oo

mas’alooyin casriyeeyey 73

  1. 8. Geban gebo

  2. Dardaaran.


1 - Quraanka: Al-Cimraan; 195.

2 - Quraanka; Tawbah; 71.

3 - Quraanka; Tawbah; 67.

42 - Saalim Bahnasaawi; Makaanatul mar’ati Beyna al-Islaam wal qawaaniin al-caalamiyah. (Daarul cilmi li nashri wa tawziic. Kuweyt, 1986) Bog: 113

5 - Quraanka; al-Xujraat; 13.

63 - Anwar al-camrusi, Al-tashriic wa Al-qadaa fi al Islam; (Aliskandariya); P: 67

7 . al-Maawardi, Axkaamu suldhaaniyah, bog: 53.

84 - horey weliba sii eeg ; Al-dabari; Babul Qada

95 - Al-bada’ic; Jalladka 7 aad, Bog: 3 aad.

106 - DR. Cabdil Casis Maxamed Cazam, A-nidaamul Qadaa’I fil Islam; Juska 1 aad; Bogagga; 84-89.

11 . Qura’anka: al-Baqara:….

12 . Abuu Da’ud Fisalat, Babu Imaamati nisa’I, Lambar; 591 , Jus: 1, bog: 161.

13 . l-Jaamic li axkaam al-Quran, Jus: 1, bogg: 255-257

14 . eeg; Ibnu Qudaamah, al-Muqni, juska 2 aad, bogga 198. Sidoo kale sii eeg; al-Nawai, al-Majmuuc, juska 4 aad bogga 254. Hadana waxaad kale oo ka sii eegi kartaa; al-Kasani, Al – Bada’ic, juska 1 aad, bogga 157.

15 . Al-Amiin al-Xaaji Maxamad Axmad, Xukmu Tawali al-Mar’ata, al-Imaamat al-Kubraa wal-qadaa aw an takuuna waziiran. (Dar al madhbuucaat al-xadiitha, Jeddah, Mamlika al-carabiyah al-sacuudiyah, bog: 72.

16 - Quraanka; al-Axzaab; 33.

17 - Quraanka; al-Axzaab; 32.

18 - Quraanka; al-Axzaan; 28.

19 - Quraanka; al-Nisa'; 34.

20 . Quraanka: Dhaha: 114.

21 . Ibnu Carabi, Axkaamu al-Qura’n, 1/410. Dar al-kutub

22 . Quraanka: al-nisa: horay

23 - Quraanka; al-Nisa'; 15.

24 . Nasakhidda macaneheedu waxa weeye in aayad Qura’n ah ama xadiis bixinayey amar ama goynayey sharci laga daba keeno mid kale oo tusinaya sharci ama aamar ka duwan kii hore, sidaas teed badelkiisa ku galaya. Tanina waxa ay keliya oo dhacday waagii uu Nebigu noolaa oo waxyigu socday, ee ka dib ma suurtoobi karto, saa Nebi loogu waxyoodaaba meesha ma joogee. Midda kale waxa ay caadi ahaanba badelidaani sababtaa in xukun ama amar jiray oo yara kululaa la fududeeyo, iyada oo la waafajinayo duruufta kolkaa jirta. (F. G. waxa jirta in qaar culimada ka mid ihi ku tageen in uusan Quraanku nasakhmin ee ay jirto kala duwanaan tafsiir oo marba si u dhacaysa.)

257 - Bukhaari ayaa ka soo weriyey Abi Bakarat. Waana xadiis ah Marfuuc- mid looga shakisan yahay in uu qofkaas laga soo weriyey iska yiri ee uusan Nebiguba dhihin.

26 - Quraanka; al-Namal; 32.

27 - Quraanka; al-Namal; 33.

28 - Quraanka ; al-Namal; 34

29 . Xukmu Tawai al-Mar’at. Horay. Boga. 36

30 . Fuad Cabdulmuncim, Mabda’ al-musawaat fil Islaam. Boga: 242.

31 . Cabdiraxmaan bin Naasir al-Sacadi, Taysiiru al-kariim al-raxmaan fi tafsiiri al-kalaam al-manaan. Jus: 1 aad, boga: 13 ee aayadda 11 aad ee al-Nisaa:. Daar ibn al-Jawzi.

32 . isla horay. Boga: 16.

33 . Quraanka: an-Nisaa: 11.

34 . Quraanka: an-Nisaa: 12.

35 . Dr. Maxamad Dhucmah Suleymaan, al-wilaaya al-caama lil mar’at fil fiqh al-Islaami . bog: 70-75. Daru nafa’is, 1998. Urdun.

36 - Quraanka; al-Nisa'; 1.

378 - Waxaa weriyey Muslim

38 - Quraanka; al-Taxriim; 11.

399 - Rabiici, Fiqh Siirat, duruus wal cibrat fii siirati nubuwiyah.

40 - Quraanka; al-Saf; 4.

41 - Quraanka; al-Saf; 10-11.

4211- Waxaa soo weriyey xadiiskaan; Imaam Axmed oo ka soo weriyey Xashraj Ibn Siyaad oo isna ka soo weriyey Ayeydii hooyadii dhashay oo iyadu ka mid ahayd dumarkaas caanka ah.

4312- Saalim Bahnasaawi, Makaanatul mar’at (horay) Bog: 121

44 - Qasali., Istiqlaal al mar’at fil Islaam. Bog: 23

4514 - Rabiici, Fiqh Siirat, duruus wal cibrat fii siirati nubuwiyah.

46 - Quraanka; al-Nisa'; 21.

4715- Waxaa soo weriyey Ibn Kathiir iyo kuwa kaleba. Sanadkiisuna waa wanaagsan yahay.

4816 - Dasuqi; Commentary on Dardir's Al-sharxul kabir, jus: 11. Beyrut.

4917 - Fudi, Sheekh cusmaanB. Ixya Al- sunna wa ikhmad al-bidca. Kano, n.d.

5018- M. K. Masud; The sources of the Maliki doctrine of Ijbar, Bog: 219

5119- M.K.Masud; The sources of the Maliki Doctrine of Ijbar. Bog: 218

5220 - eeg; Islamic law in Africa. Iyo sii eeg; Baab Nikaax ee labada Mad-habba.

53 - Quraanka; al-Baqara; 221.

54 - Quraanka; al-Nisa'; 25.

55 - Quraanka; al-Nuur; 32.

56 - Quraanka; al-Mumtaxina; 10

57 - Quraanka; al-Mumtaxina; 12.

58 - Quraanka; al-Baqara; 237.

5921- Ibnu Cabdi Rabiis; Al-caqdul Fariid; jus: 6, Qaahira, 1968. Bog: 210

6022 - Ibnul Carabi; Axkaamul Qura'n; Qaahira; 1067

6123- Ibnu Xasam; Al-muxalla; Beyrut. Bog;120

6224- Ibn Xajar Al-casqalaani, Buluqul maraam; Kitaabu nikaax; Xadiiska 2 aad.

6325 - isla (horey)

6426 - Ibnu rushdi; Bidayatul mujtahid.

65 - Quraanka; al-Nisa'; 130.

66 - Quraanka; al-Baqara; 230.

6727 - waa Xadiis saxiix ah.

6828- Axmada xasan, Al-ijtihaad.

69 . Sheekh Axmad bin Sheekh Maxamad Zarqaa, (Allife), Qore,; Mustafa Axmad Zarqaa, Sharxu al-Qawaacid al-Fiqhiyah. (Daar al-Qalam; Qaahira). Boga: 227.

70 . horay: boga: 229.

7129- Xallaaq, was the gate of Ijtihad closed? bog: 20

7231- mu'alifka hore

7332- Al ma’wardi. Bog: 204

7433- horay

7534- Mas’alatul xijriya waxa ay ku baxday maraka ay haweeney xijaabato ee ay ka tagto saygeedii, hooyadeed, walaaladeed xagga hooyo ah sida loo dhaxlayo xooleheedii. Xukunkii hore ee Cumarna waxa uu ahaa in uu raacay daahirka Nusuusta oo uu walaalada ka xarimay dhaxalkii, waayo waxa ay soo gelayaan markaan casabo – qaraabo, oo waxba uma soo harayaan. Laakiin walaaladii ayaa mar dambe ku mudaaharaaday Cumar iyaga oo ku yiri; “ Kaba soo qaad Cumarow in uu aabbeheen Dameer ahaa, miyaanaan isku hooyo qudha ka imaanin?”. Markaas ayuu maalintii dambe ka noqday jawaabtiisii oo dhaxalkii wadaajiyey.

7635- Dr. Yusuf Al-qardawi., Saxwatul Islamiyah beyna al-ikhtilaaf al-mashruuc wa tafaruq al-madhmum. (Dooxa, Qadar, Dec. 20/1989 = Jamadul awal, 22, 1410) P: 112

7736 - eeg; Ibnul Qayim., Iclaamul Muwaqiciin. Jus: 3. Bog: 99 –130. Hadaad rabto faahfaahin kale sii eeg; Qardaawi.

78
79. 砀砀砀稀砀砀砀稁

80 .

81 . Waxaa Caa’isha ka soo weriyey Abuu Da’uud, Termadi, iyo Ibnu Maajah.

82 - Quraanka; Tawbah; 71.

Madaxnimo Dumar


Dostları ilə paylaş:

©2018 Учебные документы
Рады что Вы стали частью нашего образовательного сообщества.
?


elmi-srlr--2016--3-77-26.html

elmi-srlr--2016--3-77-30.html

elmi-srlr--2016--3-77-35.html

elmi-srlr--2016--3-77-4.html

elmi-srlr--2016--3-77-5.html